SAWIRO:- Wasiirka Cayaaraha Puntland oo Gaalkacyo kusoo xiray Koob Kubada Cagta ah

 

Dhalinyaradda Gobalka Mudug oo taageero ka helaya Shirkadda Isgaarsiinta ayaa Magaaladda Gaalkacyo ku qabsaday Koob Kubadda cagta ah oo loogu magacdaray (Horumarinta Dhalinyta iyo Baajinta Tahriibaha).

Tartanka oo xiiso lahaa ayaa bil socday,waxaana loo dhigay 10-ka naadi ee ka dhisan Magaallo Madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo,waxaana Ciyaartii kama dambaysta aheyd isku arkay naadiyada C/llaahi Yusuf iyo Homboboro.

Naadiga ku Ciyaaraya magaca C/llaahi Yusuf Axmed ayaa noqday Horyaalka Degmadda Gaalkacyo,waxaana maanta Koobka Gudoonsiiyay Wasiirka Wasaaradda Shaqadda,Shaqaalaha,Dhalinyaradda Puntland iyo Ciyaaraha C/raxmaan Sheikh Axmed.

Maareeye ku xigeenka Shirkadda Golis Eng. Maxamed Ciise Cusmaan oo Munaasabada xiritaanka ka hadlay ayaa sheegay iney wadayaan taageerada dhalinyaradda isagoo Wasiirka ku booriyay in la dayactiro Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale.

Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad iyo C/casiis Aw Yusuf Xaarin Oo Munaasabadda hadalo ka jeediyay ayaa dhalinyarada ku booray iney ka faa’iidaystaan Ciyaaraha loo qabto,ayna iska daayaan Tahriibka iyo Waxyaabaha kale ee nafta halista galinaya.

Wasiirka Wasaaradda Shaqadda,Shaqaalaha,Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Puntland ayaa sheegay in Ciyaaraha Gobaladda Puntland kullamo ka mid ah uu ku dadaalayo in lagu Qabto magaaladda Gaalkacyo:-

Wasiirka ayaa Shahaadooyin,Bilado iyo Abaalmarino siiyay,Shirkadda Golis Taageertay Tartanka,Taliyaha Ciidamadda Birmadka Amniga sugayay,Garsoorayaal,Ciyaartooydii Wanaagsanaa isagoo ugu dambeyntii Koobka Gudoonsiiyay Naadiga C/llaahi Yusuf.

Dhalinyaradda Gobalka Mudug ayaa lagu tiriyaa kuwa kuwa Ciyaaraha jecel,balse ma helaan taageero oo waxaa laga dareemayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale oo dayac xoogan uu ka muuqdo,waxaana la tilmaamay inay tahay mida kalifta iney guulo ka gaari waayaan Koobka Goboladda Puntland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s