Wasaaradda Shaqadda Shaqaalaha Puntland oo Bilowday Wajiga labaad Olalaha horumarinta Sportiga iyo wacyigelinta dhalinyaradda (Sawirro)

Wasaradda shaqada, shaqalaha, dhalinyaradda iyo Sportiga Puntland oo kaashanaysa Hay’adda PDRC, Garoonka kubadda Cagta Classic iyo ururka MAP ayaa galabta oo Tallaado ah qabtay Munaasibad lagu dhiiri-galinayo ciyaaraha kala duwan.

sida kubadda Kolayga, oradka iyo tan kubadda cagta, sidoo kale waxaa lagu soo dhawaynayay Bashiir Guray iyo Macalin Joon oo ka mid ahaa ciyaartoy-yaddii hore ee Soomaaliya.

Munaasibadda wajiba labaad ee horumarinta olalaha Sportiga Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Puntland, wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdi Faarax Juxa, Gudoomiyihii hore Mudug Maxamed Siciid Yuusuf,Saraakiil ka socda PDRC,MAP iyo garoonka kubadda cagta ee Classic.

 

Gudoomiyihii hore ee Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa raggii wax ka qaban qaabiyay barnaamijkan ayaa sheegay inuu qayb ka yahay sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, wuxuna sheegay in looga hortagayo dhibaatooyinka ay dhalinyaraddu ku kacaan sida tahriibta iyo falalka kale ee ammanka ka hor imaanaya, waxa uu sheegay Tigay inay barnaaminyada noocaan oo kale lasii xoojin doono isla markasna horay loosii wado is-dhexgalka bulshadda gaar ahaan dhalinyaradda.

Gudoomiyaha Sportiga iyo dhalinyaradda Gobalka Nugaal Cabdikariin Siciid ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Caasumadda laga bilaabo horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka lagu qabto, wuxuna sheegay inay dhankooda xoojin doonaan horumarka ciyaaraha.

Mulkiilaha garoonka kubadda Cagta Classic Axmed Jaamac Jowle ayaa u mahad celiyay dhammaan dadkii soo qaban qaabiyay barnaamijkan, waxa uu sheegay inuu mar kasta garab taagan yahay horumarinta ciyaaraha iyo in dhalinyarada lagu dhiiri galiyo inay dalkooda aaminaan oo ka shaqaystaan.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Faysal Khaliif Barre ayaa dhiirigaliyay dhalinyaradda mar kasta ku howlan horumarinta xirfadooda ciyaareed, sidoo kale Barre ayaa ammaan usoo jeediyay dadkii qaban qaabada ka qayb qaatay barnaamijkan.

Xasan Faarax oo loo yaqaano Macalin Joon kana mid ahaa macalimiintii hore ee kubadda Kolayga kana yimi dalka dibadiisa ayaa sheegay inay muhiim tahay in xooga la saaro horumarinta ciyaaraha dalka, wuxuna sheegay inay wax kasta ka weyn tahay farxada dadka iyo isku imaanshahooda, Joon ayaa sheegay inay mar kasta yihiin addeegayaasha shacabka.

Wasiirka Sh,sh,dhalinyaradda iyo ciyaaraha Axmed Cabdiraxmaan ayaa boggaadiyay barnaaminkan oo markii ugu horaysay lagu qabtay Garowe, wuxuna sheegay sidan oo kale in loogu qaban doono gobalada kale ee dalka.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29

30

31

32

33

34

35

36

37

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s